Khilaaf ka taagan qorshaha lugu kala qaadayo ciidamada Puntland iyo Galmudug

Khilaaf ka taagan qorshaha lugu kala qaadayo ciidamada Puntland iyo Galmudug

SHARE

Magaalada Gaalkacyo Waxaa isku hor-fadhiya ciidamada Puntland iyo Galmudug,kuwaaso muddooyinkii dambe halkaas ku dagaallamayay, waxaana jira khilaaf wali ka taagan qorshaha lugu doonayo in lugu kala qaado ciidamada is hor-fadhiya si xasillooni loogu soo celiyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka qaaar ayaa sheegaya in laga cabsi qabo, inuu bur buro heshiisyo nabadeed oo ay gaareen hoggaamiyeyaasha labada dhinac, markii xalay dagaal kooban uu ka dhacay bartamaha magaalada iyo saldhigga Miir ee koonfurta ku yaalla,kaaso ay maamusho Puntland.

Marka laga soo tago heshiiska ay wada gaareen Hoggaamiyaasha Maamulladaasi, Waxaa jira dalab-yo labada maamul ka imaanaya, Galmudug ayaa soo jeedisay in la joojiyo dhismaha maxjarka ay ka hirgalinayso Puntland duleedka magaalada Gaalkacyo, kaaso bilow u ahaa dagaalka labada dhinac.

Puntland ayaa dhankeeda ku doodeysa ciidamada ka socda inay ku sugan-yihiin saldhigyadooda oo aysan ku xad-gudbin dhulka ay maamullan Galmudug, mana jirto xal laga gaaray dooda labada dhinac.

Magaalada Gaalkacyo,waxaa wali ku sugan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo sarakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, waxaana ay kulamo la qaadanayaan odayaasha iyo mas’uuliyiinta labada dhinac, si xal waara looga gaaro colaada wali ka taagan Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY