Xasan Macalin oo ku guuleystay Doorashada Kursiga Aqalka hoose ee Soomaaliya

Xasan Macalin oo ku guuleystay Doorashada Kursiga Aqalka hoose ee Soomaaliya

SHARE

Sidaan horeyba ugu sheegney wararkiinii hore waxaa maanta magaalada cadaado ka dhacay doorasho ay ku loolameen xubno farabadan oo, kuwaasi oo uu isjiijiid badani horey uga jiray.

Mid kamid ah kuraasta maanta lagelayay doorashadooda ayaa waxaa uu ahaa mid ay ku tar tamayee Xasan Macalin Max’ud iyo C/qaadir Max’ed Jaahween oo labaduba xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa xilka Xildhibaannimada Aqalka hoose ku guuleystey Xasan Macalin Max’ud oo isagu kamid ahaa xildhibaannada waqtigoodu dhamaanayo, wuxuuna ku guuleystey Aqlabiyad sarreysa isagoo helay 48 Cod, halka uu C/qaadir helay 1, laba codna way xumaatay.

Inta aan doorashadu bilaaban ayaa waxaa jirtey in uu tanasuley musharax sedexaad oo lagu magacaabo C/fitaax Xasan Cali oo isagu markii horaba u muuqday mid aan tartamaynin.

LEAVE A REPLY