Weerarro Ismiidaamin ah oo Alshabaab ku qaadeen Ciidamada qabsaday Tiyeeglow.

Weerarro Ismiidaamin ah oo Alshabaab ku qaadeen Ciidamada qabsaday Tiyeeglow.

SHARE

Qaraxyo ismiidaamin ah oo is xigxiay iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay duleedka degmada Tiyeeglow iyaa waxaa kasoo baxaya warar dheeraad ah kuwaasi oo la sheegey in ay geysteen khasaaro aad u weyn oo naf iyo maalbaleh.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada dowladda iyo kuwa Koofur galbeed ayaa lagu soo qaaday dagaalo xooggan oo bar bar socday qaraxyo ismiidaamin ah oo ay fuliyeen rag ka tirsan Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdulle Xasan Food-cade ayaa sheegay in dagaalyahano fara badan oo Al-Shabaab ka tirsan ay soo weerareen ciidanka dowladda iyo kuwa Koofur galbeed ee ku sugnaa duleedka degmada Tiyeeglow.

Waxaa uu sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u culus, isla markaana sideed ka mid ah dagaalyahanada Shabaab oo xirnaa waxyaabaha qarxa ay soo weerareen ciidamada is garabsanaya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidankooda wali ku sugan yihiin duleedka Tiyeeglow, isla markaana gudaha degmada aanay labada dhinac ku sugneyn, shacabkii ku dhaqnaa ay isaga barakaceen.

Isgaarsiinta degmada Tiyeeglow ayaa ah mid hawada ka maqan, waxaana adag in la helo faah faahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkii cuslaa iyo qaraxyadii ismiidaaminta ee is xig xigay.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed oo aan wehlin kuwa Itoobiya ayaa maalmo ka hor u soo ruuqaansaday dhinaca Tiyeeglow, si ay ula wareegaan gacan ku heynta degmada oo 26-kii bishii hore ay la wareegeen Xoogagga Al-Shabaab, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidamada Itoobiya.

LEAVE A REPLY