Ruusha wada Duqeymihii ugu ba'naa ee uu ku qaado dhulka Suuriya.

Ruusha wada Duqeymihii ugu ba'naa ee uu ku qaado dhulka Suuriya.

SHARE

Ruushka ayaa qaaday hawlgal baaxad weyn oo duqaymo ah oo uu ka fuliyey wadanka Suuriya isagoo adeegsanaya maraakiibta dagaalka oo uu geeyey xeebaha wadankaasi.

Wasiirka difaaca Suuriya ayaa sheegay in markii ugu horreysay diyaarado dagaal ay duulaan ka qaadeen Markab diyaaradaha dagaalka xambaara iyadoo sidoo kale gantaalaha ridada dheer laga riday markabkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in bartilmaameedku uu ahaa fariismo ay leeyihiin kooxda la baxday dawladda Islaamiga iyo kooxaha falaagadda ee xiriirka la leh Al-Qaacida ee ku sugan gobolada Idlib iyo Homs.

Dhanka kalena duqaymo lixaad leh ayay ciidamadda Suuriya dib uga bilaabeen bariga magaalada Xalab ee ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ka dib todobaadyo hakad ku jirtay duqayntaasi. Kooxaha u dhaqdhaaqa Suuriya ayaa sheegay in duqayntaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof.

LEAVE A REPLY