Mid kamid ah Agaasimayaasha Madaxtooyada oo ku guuleystey Aqalka hoose ee Baarlamaanka.

Mid kamid ah Agaasimayaasha Madaxtooyada oo ku guuleystey Aqalka hoose ee Baarlamaanka.

SHARE

Agaasime kuxigeenkii Madaxtooyada Soomaaliya Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim ayaa goor dhow ku guuleystay Kursigii Aqalka Hoose ee Beesha Madaxweynaha ee Waceysle Cali Gaaf, kaddib doorasho ka dhacday daqiiqado ka hor degmada Cadaado.

Doorashada Kursigan ayaa aheyd tan ugu adag ee si gaar ah isha loogu haayay, waxaana labada Musharax ay ahaayeen kuwo aad u loolamayay.

Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim ayaa helay 29 cod, halka Eng. C/llaahi Cali Xasan uu helay 22 cod, marka loo eego doorashadan waa ka xiiso badneyd doorashadii maanta iyo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay degmada Cadaado.

Labada Nin ayaa aad u loomayay maalmihii la soo dhaafay, iyagoo juhdi u galay, sidii ay ergada u kasban lahaayeen, waxaana dhaqaale badan ay ku bixiyeen sidii ay u heli lahaayeen cododka ergooyinka.

Dad badan ayaa markii hore saadaalinayay in Saadaq C/kariin ku guuleysanayo xilka Xildhibaannimo, maadaama uu ahaa Musharaxii ay Madaxtooyada wadatay, isla markaana ergooyinka ugu badan uu isagu qortay.

Dhinaca kale waxaa goor dhow bilaabatay Doorashada kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Waceysle Marooyin, waxaana ku tartamaya labo ganacsade oo kala ah Caddow Cali Gees oo ah Ganacsade hantiile ah, horayna Xildhibaan u soo noqday sanadkii 2012 iyo Ganacsade kale oo lagu magacaabo Axmed Nuur, waxaana ay u badan tahay in Caddow Cali Gees ku guuleysan doono Kursiga Xildhibaanimo.

LEAVE A REPLY