Khadiijo Max'ed Diiriey oo ku guuleysatay kursigii ugu horreeyey ee xildhibaannimada...

Khadiijo Max'ed Diiriey oo ku guuleysatay kursigii ugu horreeyey ee xildhibaannimada Aqalka ee Hirshabeele..

SHARE

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa goor dhow ku guuleystay Kursigii u horeeyay ee Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa si aqbaliyad leh ugu guuleystay cododkii Ergooyinka, iyagoo heshay 51 xubnood ee ergooyinka wax dooraneysa.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa tan iyo sanadkii 2000 aheyd Xildhibaan, sidoo kale waxaa ay horay xilal Wasiiro ka soo qabatay xukuumadihii dalka soo maray.

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka bilaabatay magaalada Jowhar ayaa waxaa maanta lagu wadaa in la doorto illaa 13 kursi.

Ergooyinka ayaa isku mar dooranaya Musharaxiinta, iyadoo loo diyaariyay illaa shan goobood oo lagu kala dooranayo shan kuraas, waana wajiga koowaad ee doorashada aqalka Hoose ee Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY