Hardan siyaasadeedkii ugu darraa oo lafilayo in uu Arbacada ka dhaco Cadaado.

Hardan siyaasadeedkii ugu darraa oo lafilayo in uu Arbacada ka dhaco Cadaado.

SHARE

Sida aan ay tibaaxayaan wararka hordhaca ah ee nagasoo gaaraya magaalada Cadaado ee ku saabsan Doorashada Xubnaha Aqalka hoose u mettelaya Galmudu kuwii ugu adkaa ayaa dhici doona maalmaha nagusoo aadan, kuwaasi oo dhor mar dib u dhac ku yimid.

Doorashadan ayaa lagu madlanaa in maanta oo taalado ah ay ka dhacdo Magaalada Cadaado balse dib u dhac ayaa ku yimid, kaasi oo ilaa iyo hadda aanay caddey xilliga ay dhaceyso.

Guddiga Doorashooyinka weli wax war ah kama aysan soo saarin dib u dhaca ku yimid doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Maamulka Galmudug.

Doorashadan oo lagu wado maalinta barrito ah in ay ka qabsoonto Magaalada Cadaado hadaan dib u dhac kale dhicin ayaa waxaa ku loolami doona musharixiin gaaraya 25 oo ka kala yimid qaar ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

Sida loogu kala tartamayo
Kursiga 1aad Waxaa ku tartami Doona:
1) Eng. Cabdu laahi cali xasan
2) Saadiq cabdi kariin xaajii Ibraahim
3) Fowsiya Xasan ABuukar

Kursiga 2aad Waxaa ku tartami Doona:
1) Axmed yuusuf Guuleed
2) Cabdu laahi cali xmed

Kursiga 3aad Waxaa ku tartami Doona:
1) Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
2) Axmed Mukhtaar maxamuud

Kurisga 4aad Waxaa ku tartami Doona:
1) Maxamed Maxamuud Guure
2) Sakariye maxamed Cosoble
3) Cabdu qaadir Nuur caraale
4) Cabdiq aadir Gaafoow maxamuud

Kursiga 5aad Waxaa ku tartami Doona:
1) Xuseen Qaasim Yuusuf
2) Shire Macalin Gaab

Kurisga 6aad Waxaa ku tartami Doona:
1) Xasan macalin Maxamuud
2) Cabdi Qaadir Xuseen maxamuud
3) Cabdi Fitaax Cali Xasan

Kursiga 7aad Waxaa ku tartami Doona:
1) Bootaan Ciise Caalim
2) Maxamed Cilmi AFrax
3) Cabdule Faarax Xirsi
4) Cali sheekh Yaasiin Geedi

Kursiga 8aad Waxaa ku tartami Doona:
1) Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey
2) Maxamed Axmed Xaashi Qoslaaye

Kursiga 9aad Waxaa ku tartami Doona:
1) Cawil maxamed Siyaad
2) Xaawo Kiin Maxamed Cali
3) Xirsi Aadan Rooble

LEAVE A REPLY