Dowladda iyo Al-shabaab oo ku isku mari la’a Gacan ku hayanta degmada...

Dowladda iyo Al-shabaab oo ku isku mari la’a Gacan ku hayanta degmada Tayeeglow

SHARE

Iyadoo maalintii Sadexeed uu ka socda dagaal culus degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka saareen degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool , islamarkaana ciidankooda ay howgallo ka wadaan degmada Tayeeglow.

Xaalada Tayeeglow ayaa cakiran , waxaana gacan ku heynta degmadaasi isku bedbadalaaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn cidda sida rasmiga ah magaalada gacanta ugu hayso.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulkooda ay ka go’an tahay in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in shabaab ay dhibaato badan ay ku hayaan dadka shacabka ee kunool degaanada ay gacanta ku hayaan, waaxaa intaas ku daray in ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ay qaadi doonaan howgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan howgallo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Shacabka kunool gobolada Baay, Bakool iyo sidoo kale shabeeha Hoose ayuu ugu baaqay in ay taageeraan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY