Dagaal beeleed dib ugasoo cusboonaaday caabudwaaq.

Dagaal beeleed dib ugasoo cusboonaaday caabudwaaq.

SHARE

Dagaal u dhexeeya maleeshiyooyin beeleed ayaa ka qarxay maanta Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, iyadoo Dagaalkaan uu xoog leh uga socdo gudaha Degmada.

Wararka, ayaa intaas ku daraya in Dagaalkaan uu daba socdo ruux shacab ah oo Xalay lagu dilay gudaha degmada Caabud-waaq, waxaana malleeshiyo beeleedkan horay u dhexmaray colaado noocan oo kale ah.

Sidoo kale, Goob-joogayaal ku sugan magaalada Caabud-waaq ayaa sheegay in rasaasta ay Malleeshiyadan hubeysan adeegsanayaan laga Maqlayo Magaalada oo dhan, isla markaana xaaladdu ay aad u kacsan tahay.

Dhanka kale, Waxaa la sheegayaa in dagaalkan uu dhaliyay khasaare, Balse aan illaa hadda la ogeyn tirada inta at le’eg tahay, mana jiraan wax Dadaallo ah lagu doonayo in dagaalkan lagu joojiyo.

LEAVE A REPLY