AMISOM oo nin ka mid ahaa Ergooyinka ku dilay Cadaado

AMISOM oo nin ka mid ahaa Ergooyinka ku dilay Cadaado

SHARE

Wararka laga helayo magaalaga cadado ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee Ilaalada ka haya Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado ayaa goor dhow toogtay nin ka mid ahaa Ergada wax dooraneysay.

Toogashadan ayaa dhacday xilli ay doorasho ka socday gudaha Madaxtooyada Galmudug, waxaana markii rasaasta la maqlay lagu kala dareeray goobta.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada AMISOM ee ninka rayidka ah toogtay ay ahaayeen kuwa ka socda Burundi ee dhowaan la geeyay Cadaado.

Xaalada goobta ay doorashada ka socotay ayaa jahwareer gashay, kaddib markii rasaasta la maqlay, waxaana laga cabsi qabaa in dilka ninkan uu ka dhasho gadood ay sameeyaan beesha uu matalayay ee uu ergada u ahaa.

LEAVE A REPLY