War Deg Deg:-Madaafiic ku Dhacday Xaafado Kamid ah Degmada Deyniile

War Deg Deg:-Madaafiic ku Dhacday Xaafado Kamid ah Degmada Deyniile

SHARE

Wararka ka imaanaya Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in abaarihihii 02:55-daqiiqo ee duhurnimo ee maanta ay xaafado kamid ah degmadaas ay ku dhaceen tiro Madaafiic ah.

Madaafiicdan oo ku soo dhacay xaafado ka mid ah Degmada Deyniile ayaa la sheegay in ay soo dhaceen duhurnimadiii maanta, waxaana ay ahaayeen ilaa iyo Saddex xabo.

Bartilmaameedka Madaafiicdan ayaa la sheegay in uu ahaa Garoonka kubada cagta ee Muqdisho Stadium oo ay degan yihiin Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in Madaafiicda la soo tuuray mid ka mid ah uu ku dhacay guri aan sidaa uga fogeyn Garoonka kubada cagta ee Muqdisho Stadium, waxaana ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Wixii wararr ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena dabme insha’allah

LEAVE A REPLY