Musharax Xildhibaan Aqalka hoose oo Cadeeyay in uu is Is casilay

Musharax Xildhibaan Aqalka hoose oo Cadeeyay in uu is Is casilay

SHARE

Ganacsadde Mahad Cumar Cabdi (Mahad Libaax) ayaa galabta shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay tartankii uu ugu jiray in uu kamid noqdo Xildhibaanka Beeshaa uu ka dhashay oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib kulan uu Cadaado kula qaatay Waxgarad ,Dhalinyaro iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Beeshiisa.
Musharaxa ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu ka tanaasulo doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamanaka, kadib markii uu arkay is qab qabsi iyo kala fogaansho ka dhax jirta Beesha uu kasoo jeedo ee Abakar Majabe Sabti(Murusade).
‘’Waxaan go`aansaday in aan cadeeyo in aan ka tanaasulay in aan u tartamo Kursiga Beesha Abakar ku leedahay Baarlanaabka Federaalka, kadib markii aan arkay in uu jiro culeesyo dhinacyo badan iyo sidoo kale in beesha dhaxdeeda uu ku keenay kala fogaansho, waxaana go’aansaday in aan tartankaasi isaga haro si aanan qeyb uga noqon kala fogaansho iyo khilaafaad ka dhax dhasha dadka aan kasoo jeedo’’ Ayuu yiri Ganacsade Mahad Cumar Cabdi.

Ganacsade Mahad Cumar ayaa kula taliyay waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beeshiisa in ay ka fogaadaan waxyaabaha dhalin kara kala fogaanshaha, khilaafaadka beesha dhaxdeeda, isagoona kula taliyay in ay la shaqeeyaan ayna taageeraan qofkii uu ilaah calaf uga dhigo kursigaasi si loo ilaaliyo midnimada guud.
‘’Waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada kusoo baxa kuraasta guud ee Beesha Murusade in ay noqdaan kuwa u dhaga nugul shacabka ay magacooda ku matalayaan Baarlamaanka, yeysan noqon Xildhibaanada kuwa albaabada ka xirta dadkooda ‘’ Ayuu Yiri Mahad Cumar.
Ganacsade Mahad Cumar Cabdi ayaa kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfuur Afrika , waxa uuna Ganacsadaha dalkiisa ugu soo laabtay sidii uu wax ugu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeeds.

 

libah_31 libah_41

LEAVE A REPLY