Masharixiinta Maanta Maxaa Wada Tusay Dhoola-Cadaynta!!!

Masharixiinta Maanta Maxaa Wada Tusay Dhoola-Cadaynta!!!

SHARE
?????????????????????????????????????????????????????????

Aniga oo aan u qasdin shalay galab Ayaan kaligay damcay in aan ka soo lugeeyo meel u dhaw isgooyska Jubba, waxay indhahaygu qabteen sawiro waaweyn oo la suray bartamaha wadada dheer ee Maka-Al- Mukarama.

Waxaan socday ilaa Km4, waan istaagy, dib u argga maskaxdayda Ayaan gadaal u celiyey, waxaan isu sheegay ilaa meeshii aan ka soo socod bilaabay in aan ku soo arkay sawirada Musharixiinta oo dhamaantood wada dhoola cadaynaya.

Waxaan is waydiiyey yaa horta dooranaya Madaxweynaha cusub ee 2017ka, kaligay Ayaan isugu jawaabay dabcan waxaa dooranaya Aqalka hoose ee dhismihiisa lagu guda jiro xubnihiisa soo bixi doona “ mar kale Ayaan is waydiiyey haddii ay sidaas tahay maxaa musharixiinta iyaga oo wada dhoola cadaynaya loo suray sawiradooda?.

Jawaabta su’aashaas waan ka waayey Maskaxdayda, waxaan ku soo leexday aniga oo weli la’jawaabtii su’aashii aan is waydiiyey Maqaayad Kafeega iyo Shaaha laga cabbo oo inta badan lagu caweeyo galabtii oo ku tiilay goobtii uu socdaalakayga ku soo gabagaboobay.

In cabaar ah markii aan fadhiyay Ayaan dalbaday koob shaah ah,waxaa ii keenay wiil dhalin yaro ah oo ka shaqeeynayey maqaayadda, waxaa meel agtayda ah kuwada sheekaysanayey dhawr dhalinyaro oo iyagana goobta kuwada shah cabayey. Mid ka mid ah Ayaan maqlay isaga oo leh raggan wadada soo suray sawiradooda ma aha rag daacada ah dhoola cadayntana waxa ay ku qaldayaan dadka soomaaliyeed.

Mid kale ayaa yiri hadalkaas maxaad ula jeedaa? Kii hore ayaa hadalka ku soo laabtay oo yiri: Raggaan waa wada Qoslaaye Qalaaye miiran hana moodina in ay dhoolo cadayntu ka tahay Soomaali jacayl iyo dawladnimo raadin, balse ay yihiin rag doonaya jaqista iyo cabista dhiigga umadda Soomaaliyeed.

Kaligeey ayaa madaxa u ruxay fekerka goobtaas ka soo baxay mana doonayn in dhexgal aan ku sameeyo sheekada dhalinyaradaas, maxaa yeelay kama aqoon mid ka mid ah oo aan ku halqabsado si aan wada sheekeeysigooda ugu biiro.

Laakiin nasiib wanaag waan helay jawaabtii maskaxdaydu keeni waysay ee aan indhawaalaba ku mashquulsanaa helisteed.

Haddaba Soomaalida Maanta maxaa la gudboon mar haddii mas’uuliyiinteeda ay wada noqdeen rag u hamuun qaba lunsashada hantidooda qaran?

Jawaabta su’aashaanse uma baahna feker badan waxaanse ku rajjo waynahay in la gaaray waqtigii ay soomaalida mar kale iska xorayn lahayd hororka mar kasta doonaya cabista dhiigooda, isla markaana ku cayaaraya masiirkooda dadnimo iyo kooda dawladnimo.

Karal Markis Ayaa yiri dabayaaqadii Noloshiisa “ Halganku ma aha mid dhamaad leh tan iyo inta ay jirto feker ku dhisan Kaligaa nooloow, iyo inta ay jiraan dad aan dadka kale dan ka lahayn”

LEAVE A REPLY