Inta la xaqiijiyay 6-ruux ayaa wax ku noqday kadib markii tiro madaafiic ah ay maanta ku dhaceen xaafado kamid ah degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Ilaa 5-madfac ayaa ku dhacay gudaha degmada deyniile, qaar kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay kaalin shidaal oo ku taala isgoyska ifka xalane ee ah oo goob u dhow Garoonka Stadium Muqdisho oo Saldhig Malatari ay ku leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaliya ku sugan.
Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada madaafiicda maanta lagu garaacay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxaase xusid mudan in horey sidaan oo kale madaafiic loogu garaacay degmadaas.
Halkaah Hoose ka dhagayso