Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan: “Meel baan isugu geyneynaa Al-Shabaab, xaasaskooda iyo caruurtooda”...

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan: “Meel baan isugu geyneynaa Al-Shabaab, xaasaskooda iyo caruurtooda” (Dhageyso)

SHARE

Guddoomiyaha cusub ee Cali Jeyte Cusmaan oo warbaahinta la hadlayay ayaa si kulul uga hadlay qaababka kala duwan ee maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku galaan degmooyinka hoos yimaada gobolka, isagoona sheegay in arrinta ugu weyn ay tahay xaasaskooda iyo caruurtooda oo ku sugan magaalooyin ay ka mid tahay Baladweyne.

“Meel baan isugu Al-Shabaab, xaasaskooda iyo caruurtooda, mana dhici doonto inay na gaadaan mararka ay xaasadkooda u galmoonayaan” ayuu yiri Guddoomiye Jeyte oo sheegay in haweenka Al-Shabaab ay ka masaafurinayaan degaanada ay ka arrimiyaan ee gobolka Hiiraan.

Hadalka Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan xoogag ka tirsan ururka Al-Shabaab ay la wareegeen degaano ay banneeyeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya sida degaanka Ceel Garas iyo degaano kale.

 

LEAVE A REPLY