Faah-faahin: Ciidamada Dawladda Iyo Kuwa K/Galbeed Oo Ku Duulay degmada tayaglow

Faah-faahin: Ciidamada Dawladda Iyo Kuwa K/Galbeed Oo Ku Duulay degmada tayaglow

SHARE

Dagaal ayaa ku dhexmaray Degmada Tayagloow galabnimadii shalay ciidamada Koonfur galbeed iyo kuwa dawladda soomaaliya oo meel qura ka soo wada jeeda iyo dhaqdhaqaaqa Al shabaab .

Dagaalkaan oo ahaa mid xooggana ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, inkasta oo ciidanka dawladda iyo kuwii kale ee la socday ay la kulmeen iska cabin xooggan Alshabaab ugu dambayntii waa laga fara maroojiyay Degmadaas.

Taliyaha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Bakool Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa sheegay Dagaaladan in ay ku dileen ku dhowaad 40 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.

isagoo sidoo kale sheegay dhankooda in Dagaalka looga dilay 6 Askari oo kaliya.

Waxa uu sheegay hada in ay ku sugan yihiin Gudaha Degmada Tayaglow, Shabaabka weli kama aysan hadlin Dagaalka ka dhacay Degmada Tiyeeglow oo Saraakiisha Dowladda ay sheegeen 40 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan in ay dileen.

LEAVE A REPLY