Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Ciidanka Kiinya Ay Dhibaatooyin Ba’an Ka Gaystaan...

Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Ciidanka Kiinya Ay Dhibaatooyin Ba’an Ka Gaystaan Goobaha Ay Dalka Ka Joogaan

SHARE

Cabdi Shakuur Cali Mire K/xigeenka wasiirka wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta ayaa waxa uu maanta saxaafada u sheegay isaga oo ku hadlaya afka xukuumada in ciidanka Kenya ay dhibaato fara badan ka geesteen gudaha magaalada Kismaayo arintaas oo muujineysa in ay ka tilaabsadeen Mandate-kii AMISOM sidaa awgeed ay codsanayaan in la bedelo oo halkaasi la geeyo ciidamo ka socda dalal kale.

“Ciidanka Kenya ee Kismaaya jooga waxa ay duqeeyeen saldhigyda ciidanka Soomaaliya ee Kismaayo, Waxa ay ciidankii magaalada joogay ka dhigeen mid ay dileen, Mid ay dhaawaceen iyo mid ay ku qasbeen in uu magaalada ka cararo.

waxay xirteen Abaan-duuliyihii Jubooyinka iyaga oo aan dowladda Soomaaliya soo ogeysiin sababta ay u xirteen, Waxa ay ku dhex qasmeen siyaasadda dalka waxa ay la safteen jabhad, waxayna madaafiic ku laayeen dad shacab ah, waxay burburiyeen hanti uu shacab leeyahay Howlgalka AMISOM-na arintaasi kama mid ahayn ”ayuu si kulul u yiri Cabdi Shakuur Cali Mire.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada War-faafinta, Boostada iyo ISaarsiinta ee Soomaaliya ayaa intaa raaciyay, “Waxa ay dowlada Soomaaliya codsaneysaa in si dhaqsa ah loo bedelo ciidankasi oo ciidamo isku dhaf ah oo dalal badan ka socda la geeyo halkasi si ay waajibaadka AMISOM u gutaan maadama qoladaani ay fashinalantay. Ciidanka Kenya ayaa qaadaya masuuliyadda qasaarihii ka dhashay Kismaayo.

Hadalka xukuumada ee isugu jira codsiga iyo eedeynta ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo ciidanka Kenya maanta ay faraha si toos ah ula galeen dagaalka Kismaayo.

iyaga oo xasuuqay dad fara badan oo ka soo horjeeday ficilada ciidanka Kiinya ku samaynayaan dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

lama oga sida Aduunyada u arki doonto baaqa dawladda ka soo yeeray iyo dawladda Kiinya oo taageero Buuxda siinaysa Jabhadda Kaanbooni ee ka soo horjeedda maamulka Axmed Madoobe, meeshii laga filanayey in ay nabadda ka shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY