AMISOM Oo Loo Yaboohayo 4.000 Askari Oo Lagu xoojinayo Hawlgaladeeda Gudaha Soomaaliya.

AMISOM Oo Loo Yaboohayo 4.000 Askari Oo Lagu xoojinayo Hawlgaladeeda Gudaha Soomaaliya.

SHARE

Ergada Midawga Afrika ee joogta Dalka Soomaaliya ayaa codsatay in 4000 oo askari oo dheeraad ah lagu soo xoojiyo ciidanka AMISOM oo haatan tiradiisa kor u dhaafaya 26000 oo Askari, sidaas waxaa laga soo xigtay Isdaacadda Faana ee ku hadasha Afka Dawladda Itoobiya.

Idaacadaas oo xarunteeda Dhexe ku taala Magaalada Adis Ababa ayaa waxay kaloo sheegtay in dawladaha Ciidamada Ka joogaan Soomaaliya laga codsay in ay soo diraan mudada lixda bilood ah ee soo socota.

Ciiddanka dheeraadka ah ayaa la rajaynayaa in lagu xoojiyo Dagaalka ay Askarta AMISOM kula jiraan Xarakadda Alshabaab iyo inay xoojiyaan Ammaanka xilliga ay Doorashooyinka ka dhacayaan Somalia.

Ciiddanka AMISOM waxa uu ka koobana yahay dalalka ay ka mid yihiin oo ka kala socda dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda, Burundi iyo Ethiopia,Burundi, Ugaandha,Kiinya iyo dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxayna ku wareereen duulaamada talantaaliga ah ee ay kala kulmaan kooxda Diinta islaamka ku dhuumaalaysata ee loo yaqaan alshabaab.

LEAVE A REPLY