Wasiir Taardhuleed oo ka hadlay dagaalka Al-shabaab lagula jiro.

Wasiir Taardhuleed oo ka hadlay dagaalka Al-shabaab lagula jiro.

SHARE

Wasiirka amniga Maamulka Galmudug Cismaan Nuur Ciise (Taardhuleed) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu yahay mid u baahan in loo midoobo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in shacabka Galmudug ay la shaqeeyaan Saraakiisha Ciidanka si Al-Shabaab loogu guuleysto isla markaana ay warbixinada la wadaagaan Saraakiisha Ciidanka.

Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay in Al-Shabaab dhibka keliya uusan ku heyn shacabka Galmudug balse dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato ku hayaan loona baahan yahay sida uu sheegay in meel loogu soo wada jeesto.

Waxa uu xusay in ay wadaan howlgalo Al-Shabaab loogu saarayo degaanada ay iminka kaga sugan yihiin Galmudug.

Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud, Waxaana ay dagaal toos ah mararka qaar la galaan Ciidanka Galmudug, sidoo kale waxa ay weeraro ku soo qaadaan Xarumaha Ciidanka Galmudug.

LEAVE A REPLY