Muxuu salka ku hayaa Muranka iyo is riixriixa hareeyey Beelaha Abgaal...

Muxuu salka ku hayaa Muranka iyo is riixriixa hareeyey Beelaha Abgaal ee Dhanka Doorashada Aqalka hoose.

SHARE

Waxaa soo baxaya is qab qabsi u dhaxeeya Beelaha Abgaal oo ku aadan cida qaadaneysa xubinta Aqalka Hoose ee la siinayo Haweenka, kaasoo qeyb ka ah qoondada Haweenka ku leeyihiin Baarlamaanka.

Beesha Abgaal oo Baarlamaanka cusub ku leh 9 kursi oo Aqalka Hoose ah ayaa u qeybsatay mid saddex kursi oo ay kala qaateen seddexda beel ee Abgaal ee kala ah Harti-Abgaal, Wacbuudhan iyo Waceysle.

Beesha Waceysle oo leh Saddex Kursi ayaa u kala qaadatay Beelaha Cali Gaaf, Macalin Dhiblaawe iyo Absuge oo ku murunsan cida qaadaneysa gabadha, iyadoo muranka u dhaxeeya beeshan loo gudbiyey guddiga doorashooyinka dadban iyo maamulka Galmudug oo go’aan ka gaaray beesha qaadaneysa, waxaana la isla dhex marayaa warar sheegaya in Beesha Absuge la siiyay.

Sidoo kale Beesha Harti Abgaal oo Saddexda kursi u kala qaadanaya Beesha Warsangeli, Beesha Ow-bakar iyo Beesha Agoonyar ayaa iyana wali isku mari cida qaadaneyso kursiga Haweenka.

Beesha Wacbuudhan Abgaal oo ka kooban beelaha Daa’uud, Kabaale iyo Galmaax ayaa iyana isku mari la’ beeshii loo gaar yeeli lahaa inay kursiga u gaar ku tartamaan haweenka, waxaana la isla dhex marayaa in Beesha Galmaax la siinayo Haween, maadaama musharaxiinta kursigaas u badan yihiin haween.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa dhowaan ku wargeliyay Beelaha in la xaqiijiyo qoondada haweenka ee kuraasta Aqalka Hoose, isla markaana la helo Kursi ay haween kaliya u tartamaan.

LEAVE A REPLY