Hirshabeelle oo soo saartay Shaqada wajiga hore ee Doorashada Aqalka hoose.

Hirshabeelle oo soo saartay Shaqada wajiga hore ee Doorashada Aqalka hoose.

SHARE

Guddiga doorashooyinka dadban ee heee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta qabtay shir jaraa’id oo ay uga hadlayaan doorashada Aqalka Hoose ee dhowaan ka dhaceysa magaalada Jowhar, iyadoo loo tartamayaa 37 kursi oo ay ku tartami doonaan xildhibaanadii hore ugu fadhiyay iyo kuwo cusub,

Wajiga koowaad ee doorashada ayaa waxa ay bilaaban doontaa 16-ka bishan aynu ku jirno iyadoo lagu tartami doono 13 kursi oo ka mid ah 37 kursi ee taal gobolka Sh/dhexe.

Kuraasta ugu horeysa ayaa waxaa lagula tartami doonaa xildhibaano muddo dheer ku fadhiyay iyo qaar kale oo afartii sanadood ee la soo dhaafay ka mid ahaa golaha baarlamaanka.

Xildhibaanada kuraastooda shaxda koowaad gashay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed,Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye,xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble,Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone,Shiikh Cabdisataar Shiikh Xasan Barsane.

Akhriso Shaxda 1aad Ee Doorashada Hishabeelle.
shaxda-dorashada-1

LEAVE A REPLY