Aragti kala duwannaanta nidaamka federaalka

Aragti kala duwannaanta nidaamka federaalka

SHARE

Iyadoo wali aan la gaarin aftidii dadweyne ee lagu oggalaanayey ama lagu diidayey dastuurka federaalka ee Soomaaliya, ayaa waxaad moodaa in dadku aragti kala duwan ka muujinayaan.

Qaar waxay u arkaan in uu dadka kala qeebinayo, qaar kalena inuu xornimo siinayo gobolkooda, waxayna arrintu noqotay mid ninba si u fasirtay, mar haddii aqoon hore loo lahayn nidaamka federaalka noocyadiisa kala duwan, oo dadka Soomaalidu ku tahay dheg ka maqal .

Somaalidu, waxay horay ugu maah maahday {{howraari ninna si u yiri, ninna si u qaaday }} oo waxa kala duwan sida sooomaalidu u fasirato iyo sida adduunku ugu dhaqmo nidaamka federaalka ee caalamku ku dhaqmo waa kala duwan yahay, taasoo ku saleysan baahida gaarka ah ee ay u qaateen.

haddii Soomaalidu u qaadato si ay maamulka dowladda hoos loogu daadejiyo, taladana loo ballaariyo, si dadweynaha uga soo dhismo dhibaato kuma jirto, balse waxaa nasiib darro noqoneysaa in ninba si u fasirto. Nidaamka federaalka ma aha mid hal qaab iyo hal loo adeegsado, waayo cid kasto oo qaadato, iyadaa xukunka sida ay ugu dhaqmeyso oo baahideeda u waafijineysa.

Marka hore , qaabka goballada la isu raacinayo waa inaysan naga noqon qaab qabiil, balse noqotaa qaab deegaan, si looga ilaaliyo in dadweynaha soomaaliyeed la kala gooyo wada noolaanshahooda iyo isu-socodkooda.

Dhinaca kale, inta aan la soo gabagabeyn dastuurka federaalka guddiga madaxa bannan ee gacanta ku hayaa inay dadweynaha u soo bandhigaan nidaamka federaalka oo aan qaadaneyno nooca uu yahay iyo sida uu ugu dabaqmi karo dal sida Soomaaliya ee hal ummad ah, oo aan ku kala qeybsaneyn sida Diin iyo Af.

Tallaabadani, waxay sahli kartaa in laga baxo kala arakti duwanaanta nidaamka federaalka iyo sidii aftida dadweynahu u noqon lahayd mid haa ku dhammaato, kaddib ay ku qanceen inuusan dhibaato iyo kala qeybin u keeneyn.

LEAVE A REPLY