Soomaaliland oo bilowday qaaraan aroorin loo sameynayo dadka ay saameeyeen Abaaraha Soomaaliya.

Soomaaliland oo bilowday qaaraan aroorin loo sameynayo dadka ay saameeyeen Abaaraha Soomaaliya.

SHARE

Xukuumadda Somaliland ayaa bilowday qaaraan laga ururinayo ganacsatada iyo shaqaalaha dowladda, kaasoo loogu gargaarayo dadka ay abaarta ku saamaysay gobolada qaar.

Somaliland ayaa sheegtay in qiyaastii hal milyan iyo bar qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah abaarta awgeed.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed waa wasiirka diinta iyo awqaafta, wuxuuna ka mid yahay guddi culimo iyo ganacsato u badan oo qaaraanka abaarta lagu ururinayo.

Mar uu shiikhu wareysi siiyay weriye ka socda laanta afka soomaaliga ee BBCda ayaa uu sheegey in ay jiraan abaaro aad u daran oo ka dhacan degaannada soomaaliland in ay u baahan yihiin wax kaqabad dhabb ah.

Waxaa uu ugu baaqey Sheekhu in cid kasta ee wax awoodaahi lasoo gaarto wixii karaankeeda ah maadaama ay dhibaatadu kaweyntahay wax kaqabadka maamulka soomaaliland.

LEAVE A REPLY