Madaxweynaha Dowlada Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ay ku wehlinayaan Sarakiisha Ciidamada Galmudug iyo wasiirka Amniga ayaa kormeer ku tagay fariisamaha Ciidamada Galmudug ay kaga sugan yihin Galbeedka Gaalkacyo.
Ujeedka Kormeerka uu maanta Guuleed ku tagay xarumaha ciidamada ayaa waxaa uu yahay mid ciidamada uu ku wergalinayay in ay dhaqan Galiyaan Heshiiska shalay ay gaareen labada dhinac oo ahaa in xabad joojin deg deg ah la sameyo.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa la filaya in uu kulmo gaar ah uu la qaato saraakiisha ciidamada Amaanka Dowlada Galmudug kaasi oo uu kala hadlay xalada amaan ee deeganada Galmudug