Manaasabad soo dhaweyna ah oo muqdisha loogu qabtay Xusbanha aqalka sare ee...

Manaasabad soo dhaweyna ah oo muqdisha loogu qabtay Xusbanha aqalka sare ee Hirshabele.

SHARE

Munaasabad lagu taageerayay xubnaha aqalka sare ee maamulka HirShabeele ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana munaasabada soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Puntland iyo Masuuliyiin kale.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday xildhibaanada aqalka sare ee HirShabeele iney ka shaqeeyaan horumarinta iyo dhicinta xuquuqda labada gobolka ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Cali C/llaahi Cosoble, madaxweynaha maamulka HirShabeele ayaa ka sheegay goobta iney ka shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa waddooyinka burbursan ee dhexmara deegaanada maamulkooda uu ka taliyo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono wadada xiriira magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo burbur xoogan uu ka muuqdo.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo cadeyn lahaa maqaamka Gobolka Banaadir.

Wasiir Odawa ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la hormariyo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY