Doorashooyinka Aqalka hoose ee Koofur galbeed oo hakad lageliyey.

Doorashooyinka Aqalka hoose ee Koofur galbeed oo hakad lageliyey.

SHARE

Waxaa Maalintii 2-aad Hakad ku jirta Doorashooyinka Aqalka Hoose ee maamulka Koofur Galbeed iyadoo sababaha Hakadka galiayay Doorashooyinkaas warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in taasi ay ugu wacantahay is qab qabsi ka dhex jira Beelaha iyo maamulka Koofur Galbeed.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Cali oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegayin ay jiraan wax uu ku tilmaamay Cillado Farsamo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa la hadal haayay Musuqmaasuq ka jira Doorashooyinka Aqalka Hoose ee maamulka Koofur Galbeed .

Musharrixiinta ka qeyb galay doorashadaasi qaarkood ayaa soo bandhigay in Codadkooda dad kale loogu shubay taasi oo ah Fadeexad weyn oo hareysay mamaulka Koofur Galbee.

LEAVE A REPLY