AMISON oo sheegtay in ay baareyso 7 Qofood oo ay ku Dileen...

AMISON oo sheegtay in ay baareyso 7 Qofood oo ay ku Dileen Ciidamadeeda Nawaxiga Demada Ceel Buur

SHARE

Taliska AMISOM ayaa waxuu shaaca ka qaady in ay baaritaan ku hayaan eedeymaha la xiriira in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay 7 Ruux oo Shacab ahaa ay ku Dileen nawaaxiga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Taliska ayaa waxuu sheegay in ay baaritaan ku hayaan Wararka warbaahinta ay muddooyinkii dambe ka tabinayeen in hawgalka AMISOM oo ku aadan in Dad shacab ah ku waxyeeleeyeen qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud.

Waxaa Taliska uu shaaca ka qaaday in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Dalka Itoobiya lagu eedeeyay in 7 Ruux ay siyaabo kala duwan ugu Dileen nawaaxiga Ceelbuur, kadib markii Weerar ay ku soo qaadeen Al Shabaab.

Dhawaan ayee aheyd markii Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka howlgalka AMISOM lagu eedeeyay in 4 Ruux oo uu ku jiray Oday 85 sano jir ahaa ay ku Dileen nawaaxiga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY