Wakiilka QM ee Soomaaliya Micheal Keating oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Wakiilka QM ee Soomaaliya Micheal Keating oo gaaray magaalada Gaalkacyo

SHARE

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in magaaladaasi uu tagay wakiilka xoghayaha guud ee Qm u qaabilsan Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Xubnaha tagay magaalada waxaa kamid ah Genaral Gabre oo ah sarkaal u dhashay dowlada Ethiopia balse muddooyinkii ugu dambeeyay si weyn looga bartay gayiga Soomaaliya.

Saraakiil kale oo ka socota xafiiska QM ayaa qeyb ka ahaa wafdiga tagay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo horey ay ugu sugnaayeen madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Waxaa saacadaha soo socdo la filayaa in magaalada uu ka furmo shirka nabada magaalada Gaalkacyo oo ka dhacaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeya labada maamul ayaa muddo todobaadyo ah ka dhacayay magaalada Gaalkacyo.

Shirka waxaa ka qeyb galaya sida qorshaha uu yahay ra’iisul wasaaraha dalka, madaxweyne Xasan iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY