Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid noqday baarlamaanka Aqalka hoose ee...

Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid noqday baarlamaanka Aqalka hoose ee Soomaaliya

SHARE

Prof Maxamed Cabdi Gaandi ayaa si aqlabiyad leh ugu guuleystay kursiga aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya,kaddib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Gaandi ayaa helay dhammad cododka baarlamaanka Jubbaland ee dooranayay xubnaha Aqalka hoose ku matalaya,waxaana mar kaliya isbadalay jawagiga goobta ay doorashada ka dhacaysa,kafdib markii musharixii la tartamayay Gaandi uu ka tanaasuley, sheegeyna in xilkaasi uu u qalmo Prof. Maxamed Gaandi.

Guddiga doorashada ayaa ka baaqsaday in codeynta sanduuqa lagu rido, taasi badalkeedana ergada ayaa loo ogolaaday in ay si gacantaag ah codka u dhiibtaan, iyada oo ergada oo dhan ay wada codeeyeen.

Prof. Gaandi ayaa horey looga guuleystey kursiga aqalka sare, taasi oo ay codka dhiibayeen xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland.

Wuxuu horay Gaandi dalka uga soo noqday wasiirka gaashandhigga isagoo xilal kale dalka ka soo qabtay.

LEAVE A REPLY