India oo racfaan u ogolaatay Soomaalidii ay horey ugu xukuntay Dilka.

India oo racfaan u ogolaatay Soomaalidii ay horey ugu xukuntay Dilka.

SHARE

Maxkamad gaar ah oo ku taala magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa u ogalaatay inay racfaan qaadan karaan kudhowad 120 dhalinyaro Somaliyeed oo horay loogu eedeyay falal burcad-badeednimo ah islamarkaana lagu riday xukun dil ah.

Maxkamadda ayaa la sheegay inay hadda go’aansatay inay u ogolaato in dhalinyaradaan somaliyeed oo ku eedeysan burcad badeednimo oo gaaraya illaa 117 kuwaas oo horay xukun dil ah ay ugu riday maxkamad ku taala dalkaas ay hadda racfaan ka qaadankaraan xukunkaas.

Dawladda Hindiya ayaa sheegtay in maxkamadaynta dhalinyaradaan ay u cuskatay qaybta 313 xeerka dambiyada dalkaas oo sheegaya in xukun dil ah lagu rido cidii lagu helo dambiyadaan oo kale.

Sanadkii 2011, ayaa ciidamda illaalada xeebaha dalka Hindiya waxa ay gacanta ku dhigeen 120 dhalinyaro Somaali ah kuwaas oo loosoo gudbiyay xabsi ciidamada baddu ay ku leeyihiin magaalada Mumbai, kaas oo lagu magacaabo Taloja halkaas oo seddex ka mid ah dhalinyaradaas ay ku dhinteen kadib markii ay ku xanuun sanaayeen in muddo ah.

Dhalinyaradaan Soomaliyeed ayaa racfaan kooda waxa ay sii marsiiyeen safaarada dawlada Somalia ay ku leedahay dalka Hindiya, taasi oo ugu dambeyntii suura gelisay in ay maxkamaddani soo saarto fasaxa racfaan ay dhalinyaradani ka qaataan xukunkii horey ugu hdacay.

Ma’aha markii ugu horreysey ee dad dibadda ah lagu xukumo dad soomaali ah oo lagu eedeeyey burcad-badeenimo, iyadoo isdaan oo kale ay uga dhaceen wadamada Greegga, Siishilis, Keynya iyo wadamo kale, kuwaasi oo siyaabo kala duwan loogu xukumay Xabsiyo, balsi madhici hadda ka hor in dil lagu fuliyo dad noocaasi u xirnaa.

LEAVE A REPLY