Feejignaantu Qadarta Waxba Kama Tarto!!!

Feejignaantu Qadarta Waxba Kama Tarto!!!

SHARE

Balaayo iyo baas ka cararka nolosha cimrigaaga inta loo qadaray waxba kuma darto waxna kama yarayso.

Macnaha waxaan ula jeedaa dhex joogidda meelaha masiibooyinka iyo dagaalada ay ka dhacayaan haddii aan laguu qadirin in aad ku dhimato kuma dhiminaysid, haddii aad ka cararto kana fogaato oo aad tagto meel aan waxba ka jirin, laakiin horay loo qadaray in aad ku dhimato balaayadaas dhacaysa waa qasab in ay kaaga daba imaanayso meeshii aad moodaysay in aad ku badbaadayso, ka dibna ay ku asiibayso balaayadaas.

Waxaan xusuustaa waayihii dagaalada sokeeye ay Magaalada Muqdisho ka bilaawdeen ayaa waxaa xaafadda hawlwadaag waxaa ka soo barakacay, qoys ka koobnaa Hooyo iyo Aabbe iyo dhawr caruur ah oo aan qaarkood weli qaangaarin,

Waxay soo dageen guri ku dhagan guriga aan anigu deganaa, oo ku yiil  xaafadda waaberi, waxay ahayd markii ay guriga soo dagayeen waqti u dhaxaysa Duhurka iyo casarka, laakiin markii casarka la tukaday ayaa gurigii reerku ku soo qaxay waxaa ku soo dhacay hoobiye aan la ogayn meel laga soo tuuray waxa uuna dilay dhamaan qoyskii ku soo qaxay saacad ka hor gurigaas, taana waxay daliil cad u tahay in aan qadarta Rabbi aan la baajin Karin.

Bal fiiri qoyskaas waxay ka soo baxeen meel dagaalo culus ka dhacayaan, intii ay meeshaas qatarta ah joogeen Eebbe wuu ka badbaadiyey wixii shar ahaa oo meeshaas ka dhacayey,hase yeeshee markii ay u adkaysan waayeen shanqarta iyo risaasta ka dul dhacayso korkooda ayay u adkaysan waayeen, isna yiraahdeen meeshaan meel dhaanta ka aada si aad uga badbaadaan misiibadaan dhacaysa, dabdeed waxay soo aadeen meel kale oo ka badqabta wixii ay ka soo carareen, markii ay soo gaareen meeshii ay islahaayeen waad ku badbadaysaan ayaa waxaa uga daba yimid balaayadii ay ka soo barakaceen, ka dibna baabi’isay reerkii oo dhan.

Waxaan ka maqlay goobtii ay reeka kuwada qurbaxeen dad dhahaaya bal maxay gurigooda isaga joogi waayeen wayba ku badqabeene? Maxay halkaan ka soo dooneen, iyo hadalo kale oo farabadan oo iska wada hantaatac ah.

Lama yaabin qoyska hal meel kuwada qur baxay oo waa Qadar rabbi, kaakiin waxaan la yaabay dadka doonaya in ay afafkooda ku bedelaan wixii dhacay.

Way badan yihiin dadka markii ay wax dhacaan ka dib ku calaacala haddii sidaas iyo sidaas la samayn lahaa waxaan dhacay ma dhici lahayn, waa runtood oo ma dhici lahayn waxaas dhacay haddii ay sida ay sheegayaan markii hore la samayn lahaa.

Laakiin dadkaasi waxay moogyihiin in qadarta dhacaysa ay isku kaa sheegaynin kuna oranaynin war qoyskaan dhamaan raboow halkiina jooga waxba idinku gaarimaayaan, laakiin haddii aad aadaan guriga ku yaala Waaberi waxaa idinkaaga daba imaanaya Hoobiye dabadeedna halkaas ayaad kuwada dhimanaysaan, waxaa cad oo aan caadna saarnayn in qoyskaas ka soo tagi lahayn gurigoodii iskana joogi lahaayeen iyaga oo badqaba, sababtoo ah waxaaba la hadashay qadartii.

Laakiin markii ay wax kugu dhacaan adiga oo moog eed kuma lihid moogaantaada, mana lagu dhihi karo intii ay waxaan kugu dhicin maxaad sidaas iyo sidaas u samayn wayday, hase yeeshee waxaa dambaabaya dadka dhahaaya maxaa sidaas u samayn wayday intii aysan waxaas kugu dhicin, dadka habkaas u fekera waa dad ay ku yartahay aqoonta diinta islaamka waxayna mudan yihiin in loo tacsiyeeyo lana yiraahdo Masaakiin baad tihiine ha gaaloobina qadarta Rabina sida ay tahay u rumeeya.

Dadaka aan diinta islaamka Rumaysnayn iyo cawaanta diin laawayaasha ah ayaa lagu yaqaan kala horumarinta waxa dhici doona iyo wax ka qabshadooda oo dib looga calaacalo, war haddiiba la ogayahay wax dhacaya oo xun miyayba dhici lahaayeen haddiiba la sii ogyahay?

Haddaba si la isaga ilaaliyo hadalada deelqaafka ah oo aan ku haboonayn qof rumaysan Ilaahay iyo sharcigiisa ku saabsan Qadarta waxaa lagama maarmaan ah in aad ku mahadiso wixii shar iyo khayr ah oo kula soo gudboonaado, sababtoo ah Dunidaan waxaa iska leh hal ilaah oo ay waajib ku tahay Adoon kasta Rumayntiisa isla markaana uu ogaado wax kasta oo dhacaya shar iyo khayr ay Awaamiirtiisa ku fulayaan.

Haddii ay sidaas Adoomuhu wax u garan waayaana waxay ku dhex amban doonaan jidadka kaymaha waawayn ee lagama soo baxaanka ah ee uu samaystay Shydhaanka ee ugu dambaynta ku gaynaya Naarta Jahanamo ee kulaylka badan looguna talagalay cid kasta oo ka hortimaada Rabbi iyo Qadartiisa, una bixisa magacyo aan jirin oo ay ka midka yihii haddii ay sidaan iyo sidaan arimuhu ahaan lahayeen iyo hadii iyo haddii.

LEAVE A REPLY