Ciidamo Gadoodsan oo Aroor hore saaka qabsada Hoolka doorashada Jubbaland.

Ciidamo Gadoodsan oo Aroor hore saaka qabsada Hoolka doorashada Jubbaland.

SHARE

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay dadaalo ugu jiraan sidii ciidamada gadoodsan loogu qancin lahaa inay isaga baxaan xarunta, si maanta doorashooyinka aqalka hoose uga dhacaan.

Lama soo sheegin wax isku dhaca ah oo dhex maray ciidamada gadoodsan iyo ciidamadii sugayay ammaanka xarunta, waxaana magaalada Kismaayo laga dareemay gadoodka ay sameeyeen ciidamo ka tirsan Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Musharaxiin fara badan oo ordaya kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose iyo ergooyin fara badan oo dooraneysa, waxaana maalmihii la soo dhaafay magaaladaas lagu doortay Xildhibaano gaaraya 20 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Hoose.

Lama garanayo waxa sabay in ay ciidamadani lawreegaan goobta, balse waxaa dhacaysay maalmaha dhawaa in isjiid jiidka u dhaxeeya musharaxiinta ay sababaan in xarumaha maamullada ee ay ka dhacayaan doorashooyinka saamayn kasoo gaarto.

LEAVE A REPLY