Xeraale oo mar kale dagaal dib uga bilowdey ayna dad ku geeriyoodeen.

Xeraale oo mar kale dagaal dib uga bilowdey ayna dad ku geeriyoodeen.

SHARE

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud gaar ahaan inta u dhexeysa Degaanada Xeraale iyo Balanbal oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu Galabta halkaas ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beelood.

Dagaalka oo illaa Caawa soo gaaray ayaa inta la Xaqiijiyay waxaa ku dhintay illaa 7 Qof halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, kuwaasi oo dhamaantood ka wada tirsan dadka Degaanka.

Waxaa la shegyaa in uu yahey dagaal mudo sanooyin kahor beelahaan isla goobahaan ku dhex maray kaas oo socdey mudo dheere balse markii dambe uu istaagey walow aan la garan waxa hada soo celiyey ama sababay in uu maanta dib u bilowdo

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaal uu imaanayo iyadoo Degmada Cabudwaaq uu ka jiray maalmahaan sasaanta Dagaal ka bilowda Maleeshiyaad isla Dagan Caabud waaq, waxaana taa bedelkeeda dhacday in dagaal ka bilowdo Xeraale oo iyadu degganeyd.

LEAVE A REPLY