Soomaalida Mareykanka oo walaac ka muujiyay kalsoonida ay ku qabaan guusha Donald...

Soomaalida Mareykanka oo walaac ka muujiyay kalsoonida ay ku qabaan guusha Donald Trump

SHARE

Doorashadii taariikhi ahayd ee ka dhacday dalka ayaa waxay saameyn ku yeelatay guud ahaan dalalka caalamka, iyagoona walaac ka muujiyay saameynta ay ku yeelaneyso haddii uu guuleysto musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ay la tartameysay haweeneyda ka tirsan xisbiga Dimoqoraadiga Hillar Clinton.

Walaacaan ayaa yimid khudbadihii ay ka jeedinayeen gobolada dalkaasi, iyagoona siyaabo kala duwan uga hadlay mid kastaba howlaha uu qabanayo marka uu guuleysto.

Dadka ku hadla afka Soomaaliga oo dalkaasi u haajiray ayaa intooda badan waxay si isku mid ah u caddeeyeen in guusha Donald Trump ay saameyn xoog leh ku yeelaneyso dadka soo galootida ah, kaddib markii uu isagu sheegay in dalka Mareykanka uu noqday meel la iska soo galo oo aan lahayn kontrol.

Donald Tump oo mudadii uu ku jiray ololihiisa doorashada warbaahinta Mareykanka waxay faafisay fadeexado la xiriira sida uu ula dhaqmo haweenka oo iyagu sheegay inuu xadgudub iyo gabood fallo kula kacay.

LEAVE A REPLY