Dowladda Maraykanka oo qiratay in ay marin habaabiyeen ciidamada Puntland weerarkii ay...

Dowladda Maraykanka oo qiratay in ay marin habaabiyeen ciidamada Puntland weerarkii ay ku qaadeen duleedka Galkacyo

SHARE

Taliska ciidamada Mareykanka qeybtiisa Afrika ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in weerarkii lagu qaaday duleedka Gaalkacyo 28-kii bishii September ee sanadkan aanu ahayn mid Al-Shabaab lagu beegsaday.

Mareykanka ayaa tilmaamay in maleeshiyo ka tirsan degaanka oo aan Al-Shabaab aheyn weerarkaasi lagu dilay, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa horay u sheegtay in Weerarkaasi ay ku dishay 9 ka mid ah Al-shabaab, balse ay wado baaritaan ah in Ciidamada la dilay ay Galmudug yihiin iyo in kale.

Qoraal ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in Dayuuradaha duqeynta Fuliyay xog qaldan siiyeen Ciidamada Puntland ee ku sugan Garoonka Dayuuradaha Gaalkacyo sidaasna uu ku dhacay weerarkan.

Maamulka Galmudug ayaa soo dhaweeyay warka ay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sheegeen in weerarkii lagu qaaday duleedka Gaalkacyo 28-kii bishii September ee sanadkan aanu ahayn mid al-Shabaab lagu beegsaday, sida ay markii hore Mareykanku ku andacoonayeen.

Galmudug ayaa horey ugu eedeeysay Puntland iney marin habaabiyeen ciidamada Maraykanka ee duleedka Gaalkacyo ka fuliyey duqeynta, ayna ciidamo Galmudug ah ku tilmaameen iney yihiin Shabaab, waxaana labada maamul ay arintaas ka dhex kicisay muran xooggan.

LEAVE A REPLY