Beesha Madhibaan Gal-mudug oo ku guuleysatay in ay helaan kursigii Beesha 5aad...

Beesha Madhibaan Gal-mudug oo ku guuleysatay in ay helaan kursigii Beesha 5aad ee Gal-mudug.

SHARE

Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac oo u horey uga mid ahaa Xildhibaanada waqtigoodu dhamaaday ayaa dib ugu guuleystay in uu markale ka mid noqdo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu latartamay Murashax C/Risaaq Cabdulaahi Jaamac oo isagu markii dambe si iskiis ah uga tanasuley.

Qaasim Maxamed Jaamac ayaa wuxuu xilka markan ku mattali doonaa Beeshiisa isagoo uga qeyb galaya xubnaha beeshiisa laga soo doortey ee ka imaanaya amaba u matalaya Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Maamul gobaleedka Gal-mudug.

Waxaa uu ku guuleystay amaba uu nasiib u yeeshey Xildhibaan Qaasim in uu noqday ruuxxii sedexaad ee lagu doorto magaalada Cadaado eek amid noqda Aqalka hoose ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Gal-mudug iyo maamullada kale ee lamidka ah ayaa maalmaha soo socda looga fadhiyaa in ay soo dhamaystiraan mid waliba Xubnaha Aqalka hoose uga qeyb galaya ee ku matali doona Xilli madaxeedka soo socda.

LEAVE A REPLY