Xildhibaankii ugu horreeyey ee Aqalka hoose ku magatalaya gal-mudug oo goor dhaw...

Xildhibaankii ugu horreeyey ee Aqalka hoose ku magatalaya gal-mudug oo goor dhaw lagu kala baxay.

SHARE

Waxaa goordhaw magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug lagu doortay xubintii ugu horeesay ee kamid noqonaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo si weyn ugu kala horreeyey xagga codadka.

Doorashada oo aheed mid xiiso badan ayaa xubintii uu horeeyay waxaa ku tartamayay labada Musharaxa ee kala ah Nuur Daahir Diiriye iyo Siciid Nuur Qeyliye, kuwaasi oo kasoo wada jeeda Beesha Ceyr, gaar ahaan Ceyr Koonfureed.

Waxaa xubintii ugu horeeyay ee doorashada Aqalka Hoose kumatalaya Galmudug ku guuleestay Musharax Siciid Nuur Qeyliye, isaga oo helay codad gaaraya 50-cod, halka Musharaxa la tartamayay Nuur Daahir Diiriye uu isna helay 1 cod oo kaliya.

Waxaa sidoo kale magaalada Cadaado lagu doortay musharaxii labaad oo ku guuleystay Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka, Mahad Max’ed Salaad oo isna uu l tartamay C/qaadir Cali Diiriye, wuxuuna mahad ku guuleystey in uu helo 40 Cod oo kamid ah 51 Cod-bixiye, halka uu C/qaadir ka heley 10 Cod-bixiye oo kaliye, sidaasi ayayna guushu ku raacday Mahad Max’ed Salaad.

Waxaa weli socda Cod-bixinta hoolka ay doorashadu ka socoto, iyadoona gelinka dambo lasugayo in ay iyana soo baxaan Xildhibaanno kale oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka hoose ee Federaalka u matalaya Maamulka Gal-mudu.

LEAVE A REPLY