Maqaalka Arrimaha Bulshada ee (Su'aal Furan), Q. 1aad.

Maqaalka Arrimaha Bulshada ee (Su'aal Furan), Q. 1aad.

SHARE

Maqaalka (Su’aalo Furan)

Waa maqaallo is xig-gigan oo aan uga hadli doonno Arrimaha Bulshada ee Soomaalida, kuwaasi oo ka kooban su’aalo aanay inta badan wax iska weydiinin Soomaalida meel waliba oo ay joogto, ayna fiicnaan lahayd amaba ay mudan tahay in lagu mashquulo ku mashquulaan dadka inta badan wax ka qoraya waxyaabana aan saamaynta weyn ku yeelaneynin Bulshada.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 10 November 2016, ayaa waxaan jecleystey in aan bilaabo amaba ka sameeyo qormo kooban oo Su’aalo ah, si ay Bulshada Akhrisataahi uga jawaabaan islamarkaana layli ugu noqoto dadka ku howllan Wax kaqabadka Arrimaha murugsan ee Soomaaliya.

Ugu horreyn waxaan u doortay in aan ku bilaabo su’aasha ah (Muqdisho maxaa u diiday Amni?), waxaanna su’aashaasi iiga dhashay maskaxiyan in ay mudantahay in aan ku mashquulnno waxa gundhig u noqon kara in ay Amni hesho Muqdisho ama la’is dhihi karo way hortaagan yihiin amniga Muqdisho.

Hadaba waxaan jecelahay in lagasoo jawaabo su’aalahan oo ah kuwo aan u xushay in ay yihiin kuwo mudan in la’isweydiiyo, su’aalihiina waa kuwan:-
(1) Amni la’aanta Muqdisho ka jirta akhristow makulatahay in ay saameyn ku leehiyiin Qaar kamid ah Maamul-goboleedyada Soomaaliya?.

(2) Amni la’aanta Muqdisho wax yaabaha ka qeyb qaadan kara makulatahay jiritaanka Ururrada aan Dowliga ahayn ee ku shaqeeya hab (Sir-doon oo kale ah)?.

(3) Amni la’aanta Muqdisho maloo tirin karaa ganacsiga xorta ah ee lagula wareegay kaabayaashii dhaqaale ee dalku lahaa iyo Adeegyadii ay bixin laheyd Dowladdu sida (Waxbarashada, Caafimaadka, Boostada & Isgaarsiinta, Dekadaha IWM)?.

(4) Amni la’aanta Muqdisho sabab malooga dhigi karaa Aqoonyari Amni ee kajirta dhanka Saraakiisha Amniga Muqdisho?.

(5) Amni la’aanta Muqdisho maloo tirin karaa in ay ka dambeeyaan shakhsiyaad nabadda Muqdisho diidan oo ku dhex dhuumanaya Ciidamada qeybahooda kala duwan?

(6) Amni la’aanta Muqdisho saamayn maku leedahay tala kaqaadasho sirdoonnada shisheeye ama shakhsiyaad shisheeye ah?

Hadaba Akhristow isku day in aad kasoo jawaabto 6dan su’aalood oo aan isleeyahay hadii laga helo fikrad wadareed waxay suuro gelin karaan in jawaabo loo helo waxa sababaya Amni xumida kajirta Muqdisho oo kaliya ee aanay laqabin qaar kamid ah Degaannada Soomaaliyeed ee dhiggeeda ah.

F.G. Akhristow hadii aad ka jawaabto su’aalaha aan kor kusoo xusney waxaa kuu furan in aad jawaabahaaga kusoo dirto E-mailka: jafane3@gmail.com, si cid waliba fikirkeedda oo dhamaystiran aan u saarro Websiteka www.allxogta.com , hadii ilaahay yiraahdo.

By: Jafane

LEAVE A REPLY