Gal-mudug oo goor dhow gorodda laysku darayo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Aqalka...

Gal-mudug oo goor dhow gorodda laysku darayo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Aqalka Hoose.

SHARE

Magaalada Cadaado waxaa lagu wadaa in goor dhow ay ka bilaabato doorashada xubnaha aqalka hoose ee Galmudug laga soo dooranayo, kuwaasi oo qaar kamid ah ay maalmahan halkaasi ka wareen olole ay ku soo ban dhigayaan musharax nimadooda.

Ergooyinka dooranaya kuraasta ugu horeysa ayaa lagu xareeyay Hoolka ay doorashadu ka dhaceyso, iyagoo goor dhow bilaabaya iney kala saaraan qaar kamid ah musharaxiinta ku loolamaya kuraasta Xildhibaannada kasoo gelaya dhanka gal-mudug.

Wararka ayaa sheegaya in doorashada maanta lagu dooran doono illaa saddex kursi, waxaana doorashada ka dhaceysa Galmudug ay tahay mid xasaasi ah oo ay ka qeb galayaan siyaasiyiin iyo rag kale oo caan ah, kuwaasi oo si weyn looga yaqaanno siyaasadda soomaaliya.

Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan xafladda furitaanka doorashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Federaalka uga qeyb galaya Galmudug.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa buux dhaafiyey musharaxiin halkaas ka wada olole ay ugu jiraan sidii ay kuraas xildhibaanimo uga heli lahaayeen aqalka hoose, iyadoo musharaxiinta qaarkood ay kulamo la leeyihiin ergooyinka wax dooranaya iyo Odayaasha soo xulaya ergooyinka intaba.

Si kastaba ha ahaatee ma’aha gal-mudug oo kaliye meelaha ay ka dhacayaan doorashooyinka loogusoo baxayo xildhibaannimada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana horey u jirtey in ay kabilaabatay Maamullada Jubba Land, Puntlan & Koofur-galbeed intaba, waxaana la rajeynayaa in ay doorashooyinkaasi soo gaba-gaboobaan maalmaha soosocda hadii ilaahay yiraahdo.

LEAVE A REPLY