C/Raxmaan Sh. Yusuf Cali (Ceynte) oo katanazulay Murashaxnimadiisii Aqalka hoose ee Baarlamaanka...

C/Raxmaan Sh. Yusuf Cali (Ceynte) oo katanazulay Murashaxnimadiisii Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka

SHARE

Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa ka haray tartanka Musharaxnimada Aqalka Hoose ee Soomaaliya, kaddib markii uu la kulmay culeysyo siyaasadeed iyo mid beeleed oo si adag usoo waajahay.

Mr. Ceynte ayaa ugu dambeyntii xalay goor dambe go’aansaday inuu isaga haro Tartanka Musharaxnimada ee uu horey ugu jirey, isagoo kula loolami lahaa Xuseen Iidow oo ah Wasiirka Madaxtooyada Galmudug, kaasoo taageero badan ka helaya Madaxtooyada Soomaaliya iyo tan Gal-mudug intaba.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Shabakadda wararka ee allxogta.com in sabaha uu Ceynte uga haray tartankaasi ay tahay shuruudo uu hor-dhigay Madaxweynaha Galmudug oo ah in Kooxda uu ka socday ee Aala-Sheekh ay ka tanaasulaan hal musharax, iyagoo ahaa dhowr musharax u taagan xilka Aqalka hoose ee Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed uu ka dalbaday afarta kursi ee Aqalka Hoose Musharaxa ay u yihiin xubnaha Kooxda Aala-Sheekh ama Xisbiga Daljir in midkood ay ka tanaasulaan, kuwaasoo kala ah kuraasta ay u kala taratamayaan Axmed Macalin Fiqi, Xasan Macalin iyo Saabir.

Mr Ceynte ayaa markii hore loolan adag kala kulmay Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo horay ugu guuleystay Sentaror Aqalka sare ee Galmudug, waxaana siyaasigan rug cadaaga ah uu aad u taageerayay Xuseen Iidow.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ergada ugu badan ay ee dooraneysa Kursiga uu ceynte ka tanasuley ay door bidayaan in uu kursigaasi ku soo baxo Xuseen Iidow, taas ayaana qeyb ka ah culeysyada soo wajahay Mr Ceynte, ee uu ku go’aansaday inuu gebi ahaanba isaga haro Tartanka Musharaxnimada Aqalka Hoose.

Loolan xooggan ayaa loogu jiraa Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana u tartamaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda hada jirta, siyaasiyiin iyo dad kale, kuwaasi oo iyagu ku dadaalaya sidii uu mid waliba ku noqon lahaa midka guuleysta, waxaana degmada Cadaado ka socda olole xooggan oo loogu jiro kursiga aqalka Hoose.

LEAVE A REPLY