War Deg-Deg ah: Nabadoon Caan ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

War Deg-Deg ah: Nabadoon Caan ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

SHARE

Waxaa goor dhow Rag saarna gaari nuuca raaxada islamarkaana hubeysnaa  ay magaalada muqdisho ku dleen Nabadoon caan ah.

Nabadoonka ayaa la dilay xili uu ku sugnaa Isgooyska Zoobe ee magaalada muqdisho, waxaana lagu magacaabaa, Nabadoon Cadbulaahi Axmed Rooble.

Kooxda dilka geysatay ayaa watay hubka fudud iyadoona ay risaas xoogan ay huwiyeen nabadoonka xili uu taagna meel aan ka fogeyn Isgooyska Zoobe ee degmada Hodo.

Nabadoon Cadbulaahi Axmed Rooble ayaa kamid aha waxgaradka soomaaliyeed iyadoona aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka danbeysay dilkiisa.

Raga  dilka fuliyay ayaa isaga baxsaday goobta dilka ay ka geysteen iyadoona aysan jirin cid ilaa haatan soo qabatay.

Magaalada muqdisho ayaa mudooyinki la soo dhaafayay waxaa ku soo badanayay falalka amaanka lidka ku ah iyadoona qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay magaalada ka dhacayeen.

LEAVE A REPLY