Turkiga oo Donald Trump u diray dalabkii ugu horreeyay uguna hambalyeeyey Guusha

Turkiga oo Donald Trump u diray dalabkii ugu horreeyay uguna hambalyeeyey Guusha

SHARE

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horreeysay oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee dalka Marakeykanka, iyadoona ka codsatay in loo soo gacan geliyo Wadaadka Fathullah.

Ra’iisal wasaaraha Turkiga,Binali Yildirim ayaa ugu baaqay Donald Trump in uu Turkiga u soo gacan geliyo wadaadka Fatxullah Guleh oo xukuumadda Ankara ay ku eedeysay in uu soo abaabulay inqilaabkii fashilmay ee ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Turkiga ayaa Obama oo xilka ka degaya dhowr mar waydiistay inuu usoo gacan-galiyo wadaadka Fatxullah Guleh, laakin baaqaaas wuu iska dhaga xiray Obama.

Dowladda Turkiga ayaa rajeynaysa Trump inuu dhageyso baaqa ay u dirayaan si sharciga loo mariyo wadaadka Fatxullah Guleh ee Turkiga ah,balse heysta dhalashada Marekanka.

LEAVE A REPLY