Doorashada Aqalka sare ee Hirshabeelle oo socota iyo Xildhibaankii u horeeyay...

Doorashada Aqalka sare ee Hirshabeelle oo socota iyo Xildhibaankii u horeeyay Hirshabeelle oo la doortay

SHARE

oorashada xubnaha Aqalka sare ee Maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Jowhar, iyadoo Xildhibaanada maamulkaas ay bilaabeen inay u codeeyaan Musharaxiinta u taagan kuraasta Aqalka sare.

Illaa 23 musharax ayaa u taagan 8-da kursi ee Maamulka Hirshabeelle kaga soo aaday Aqalka sare, waxaana kursi walba ku tartamaya labo musharax illaa afar musharax.

Labo jeer ayaa dib u dhac ku yimid doorashada Aqalka sare, kaddib markii Xildhibaanada maamulka ay dood ka keeneen Liiska Musharaxiinta uu soo gudbiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Cusmaan Axmed Macow ayaa noqday Xildhibaankii u horeeyay ee Aqalka sare u matalaya Maamulka Hirshabeelle, isagoo helay 73 cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdinuur Ibraahim Farey uu helay 24 cod, halka hal cod uu xumaaday.

Xildhibaanada Hirshabeelle ee codeynaya ayaa gaaraya 98 xildhibaan, waxaana tan iyo saaka socday kulamo iyo xod-xodasho ay la lahaayeen Musharaxiinta Aqalka sare.

Hirshabeelle waxaa Aqalka sare ka soo gaartay 8 kursi, waxaana hadii maanta la doorta uu ku biirayaa maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland, iyo Koofur Galbeed oo soo gudbiyay, halka xubnaha Aqalka sare ee Somaliland ka imaanaya aan wali la soo dooran.

LEAVE A REPLY