Xaaladda Gaalkacyo iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadalay

Xaaladda Gaalkacyo iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadalay

SHARE

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa saaka degan, kaddib markii Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, isagoo kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo joojin lahaa colaada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo iyo xabad joojinta laga gaaray Dagaalka Gaalkacyo.

Guuleed ayaa sheegay in qadka telefoonka uu kula hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland, isla markaan ay  ka wada hadleen sidii loo dhaqan gelin lahaa xabad joojinta Gaalkacyo.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay cidii jabisa xabad joojinta Gaalkacyo in ay qaadi doonto Mas’uuliyada dhibaatada halkaasi ka dhalata.

Waxaa la filayaa in maalinimada Jimcaha ah in Magaalada Gaalkacyo lagu qabto shir dib u heshiisiin ah, kaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madaxda labada dhinac iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY