Waakuma Xildhibaankii ugu horreeyey ee Jubba Land ku guuleystey doorashada dadban ee...

Waakuma Xildhibaankii ugu horreeyey ee Jubba Land ku guuleystey doorashada dadban ee 2016.

SHARE

C/rashiid Maxamed Xidig oo hada ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee Aqalka Hoose laga soo doorta Jubbaland, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Mudane Xidig oo horay uga soo mid ahaa Baarlamaanadii hore ayaa mar kale ku fariistay kursiga Xildhibaanimo ee beeshiisa, kadib markii uu helay 37 cod oo ka mid ah 51 Ergo ee dooranayay Xildhibaanada Aqalka hoose.

Doorashada ka dhaceysa magaalada Kismaayo ee Aqalka hoose ayaa maanta kaliya waxaa la dooranayaa illaa lix Xildhibaano, waxaana ay noqoneysaa wajigii koowaad ee doorashada Aqalka hoose ee deegaanada Jubbaland.

C/rashiid Xidig oo ah dadka aad ugu dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan ka sheegay Muqdisho inuu isku soo sharaxayo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay xulashada koowaad ee Shariif Xasan u wato inuu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha, si uu meesha uga saaro in Digil iyo Mirifle u tartamaan xilkaas.

Si kastaba ha ahaatee doorashooyinka Aqalka hoose ee ka bilowday xarumaha maamul goboleedyada ayaa waxay xooga rajo ah u tahay in horay loogu qaado doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu wado inay dhacdo 30-ka bisha November.

Hadaba Maamlmaha nasoo aadan ayaa la filayaa in ay maamul-gobaleedyada oo dhan ka faraxashaan howsha doorashada xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay iminka socoto howshii ugu badneyd ee qabanqaabada doorashada 2016.

LEAVE A REPLY