Rabshado ka dhacay Somaliland oo ay dad ku dhinteen kuwa kalana ku...

Rabshado ka dhacay Somaliland oo ay dad ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen

SHARE

Rabshado ka dhashay ciyaar u dhaxeesay gobolada Daad Madheedh iyo Hawd ayaa sababay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca tiro kale oo dad ah sida ay sheegayaan wararaka aan ka helayno magaalada Hargeysa.

Ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa rasaas ku furay dad taageerayaal ahaa waxaana ku dhintay rasaastaas 2-ruux tiro kalana wey ku dhaawacmeen sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka ku sugan Hargeyso.

Rabshada ayaa timid kaddib markii Gobolka Hawd gool kaga dhaliyay uu garsooraha ciyaarta waday uu oo diiday isla markaana uu yiri Waa hobseed, taasina ay ka xanaaqeen taageerayaasha Gobolka Daad Madheed.

Ciidamo fara badan ayaa xalay bandow ku soo rogay goobaha ay rabshadaha ka dheceen, waxaana cabsi laga qabaa in rabshado kale oo hor leh ay ka dhacaan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Somaliland,

 

LEAVE A REPLY