QM oo sheegtay in Madaxda Galmudug iyo Puntland ku fashilmeen inay dhaqan...

QM oo sheegtay in Madaxda Galmudug iyo Puntland ku fashilmeen inay dhaqan geliyaan Heshiisyaddii Xabbad-joojinta

SHARE

Qoraal ka soo baxay Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) ayaa lagu sheegay inay Madaxda Galmudug iyo Puntland ku fashilmeen inay dhaqan geliyaan Heshiisyaddii Xabbad-joojinta ee horey looga gaaray Dagaalkii Gaalkacyo, ee ay ka mid yihiin Heshiiskii la saxiixay bishii December ee sannadkii hore iyo kii mar labaad la saxiixay bishan November 1-da.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa shalay u safray magaalladda Bosaaso oo uu kula kulmay Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Booqashadaasi ayaa daba joogta Kulankii uu Michael Keating dhawaan Muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed.

Intii uu Ergayga booqashada ku joogay Bosaaso, waxay isaga iyo Madaxweynaha Puntland la hadleen Madaxweynaha Galmudug, Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Omar Abdirashid, Taliyaha Ciiddanka Puntlandd. Jeneral Saciid Maxamed Xersi iyo Taliyaha Ciiddanka Galmudug, Kolonel C/casiis C/llaahi Qooje.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay inta ay socdeen Wada-xaajoodkaasi inay Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ku amreen Taliyayaashooda in si degdeg ah loo joojiyo Dagaalka, lana dhowro Heshiiskii Xabbad-joojinta.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating, Ra’isul-wasaare Omar Abdirashid iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Gaalkacyo ayaa la filayaa inay isbuucan kulan kale ku yeeshaan magaalladda Gaalkacyo, si loo ambaqaado Wada-xaajoodka, lana kormeero Xabbad-joojinta.

Michael Keating iyo Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka ayaa la filayaa inay Kulan la qaataan Hoggaamiyayaasha Beelaha ku nool magaalladda kala-qeybsan ee Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY