Maxkamadda Rafcaanka ee Maraykanka oo Saddex nin Somali ah ku...

Maxkamadda Rafcaanka ee Maraykanka oo Saddex nin Somali ah ku xukuntay xabsi 33 sanno ah

SHARE

Saddex nin oo Somali ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Rafcaanka ee Maraykanka, iyagoo lagu soo oogay inay bishii April ee sannadkii 2010-kii weerar ku qaadeen Markabka Dagaalka ee USS Ashland oo xilligaasi marayey Gacan-biyoodka Cadmeed ee u dhexeeya Somalia iyo Yemen.

Garsoore Raymond Jackson ayaa ku dhawaaqay in Labo ka mid ah Eedeysanayaasha lagu xukumay Xabsi Daa’im, halka Eedeysanaha 3-aad lagu xukumay xabsi 33 sanno ah, kadib, markii uu Baraayaasha Maraykanka ka taageeray Kiis kale oo Burcad-baddeednimo ahaa.

Eedeysanayaasha lagu xukumay Xabsi Daa’imka ayaa lagu kala magacaabaa C/risaaq Abshir Cusmaan iyo Maxamed Cabdi Jaamac.

Eedeysane kale oo lagu magacaabo Maxamed Cali Saciid ayaa lagu xukumay xabsi 33-sano, waxaana la sheegay in Eedeysanaha uu Baarayaasha Maraykanka ka taageeray Dacwad ku socota Eedeysane kale oo Dhexdhexaadiye u ahaa Burcad-baddeeda.

Dhinaca kale, Eedeysanayaashaasi ayaa xukunkaasi ku muteystay  waxay bishii April ee sannadkii 2010-kii weerareen Markabka Dagaalka ee USS Ashland oo ay u qaateen inuu yahay Markab Ganacsi.

LEAVE A REPLY