Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qeybteeda 60-aad ayaa saakay xukun dil ah ku riday Askari ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo nin shacab ah ku dilay Magaalada Buur-hakaba ee gobolka Baay.
Askariga dilka lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa Cali Boorow Maxamed, wuxuuna falkan dilka ah u geystay marxuum lagu magacaabi jiray Qaasim Caddow Xaaji Keyrow 10-10-2016, isagoo laba carruur ah uu dhalayna uu dhaawacay.
Xukunka oo ka dhacay magaalada Baydhaba ayaa waxaa ku dhawaaqay Gaashaanle Aadan Abuukar Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qeybteeda 60-aad.
Xukunka maanta dhacay ayaa waxaa soo dhoweeyey ehellada Marxuumka iyo Maamulka Koonfur-galbeed, taas oo sii xoojineysa sharciga iyo kala dambeynta.