
Iyadoo uu maanta ay magaalada Baydhabo ka dhacday doorashada xildhibaanada aqalka hoose u matalaya Maamulkga Koonfur galbeed ayaa waxaa haddana soo baxaya warar sheegaya in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu mar kale isku soo sharaxayo qabashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya
Prof. Jawaari ayaa maata waxa uu helay 45 Cod, halka Musharxa kale ee lula tartamayey Kursigas oo lagu magacaabo C/raxmaan Sh. Ibrahim uu helay 5 cod.
Ka mid noqoshada Xildhibaannada aqalka ee uu ku guulaystay Jawaari ayaa dhabar jab ku noqon doonta, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan isku soo sharaxay qabashada Madaxtinimada Dalka Soomaaliya
Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa rumeysan in guusha Prof. Jawaari saamayn xooggan ku yeelan karto Loolanka Siyaasiyiinta, gaar ahaan Musharixiinta ka soo jeeda Beelaha hoos taga Maamulka K/galbeed ee ku loolami doona Xilalka Sare ee Qaranka.
Waxaa kale oo la sheegaa inay jiraan Siyaasiyiin aan ku faraxsanayn inuu Prof. Jawaari mar kale ka mid noqdo Xildhibaanadda Barlamaanka soo socda, kuwaasi oo u arka inuu caqabad khaas ah ku yahay si ay uga mid noqdaan Musharixiinta u hanqal taagan yahay xilalka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha cusub ee Dowladda Federlka.
Siyaasiyiinta ayaa rumeysan in Prof. Jawaari oo ku siyaasad ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaal u geli doono si uu taageero Ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayo in mar 2-aad la soo doorto.
Si kastaba ha ahaatee, haddii Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ee uu xilligiisu dhamaaday dib loo soo doorto waxay taasi wax weyn ka bedeli doontaa Jihada Siyaasadda iyo Loolanka Musharaxiinta wada hiigsanayo Xilka Madaxweynaha soo socda ee Jamhuuriyadda Federalka Somalia.